Sign in to follow this  
Deeq A.

Afhayeen Buuni Oo Go’doon U Galay Codad Uu Ka Duubay Wasiirro Iyo Xubno KULMIYE Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Afhayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Buuni ayaa wajahaya takoor siyaasadeed oo uu kala kulmayo masuuliyiinta xukuumada iyo xisbiga muxaafidka ah.

Afhayeen Buuni ayaa gooni daaq noqday ka dib markii uu Muuse Biixi dhagaysiiyey codad uu ka duubay xubno ka mid ah golaha wasiirada iyo xisbiga Kulmiye.

gudoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere ayaa ka mid ah xubnaha uu afhayeen Buuni codka ka duubay wakhti ay  telefanka ku wada hadlayeen.

Wasiirrada iyo mas’uulliyiinta Kulmiye intooda badan ayaa hadda go’aansaday in ay iska eegaan Afhayeen Buuni, taas oo keentay in uu noqdo gooni socod laga dhexsaaray meelaha lagu goynayo talada Kulmiye iyo weliba Xukuumadda.

inkasta oo aanay cadaymo soo bandhigin hadana Masuuliyiin ka tirsan xisbiga Ucid ayaa hore u sheegay in sababihii ay u caydhiyeen Buuni ay ka mid ahayd  inuu Xukuumadda u basaasayey.

Buuni, oo hore uga soo shaqeeyay magaalada Muqdisho ayaa hadda keligii fadhiista Hotellada Hargeysa kadib kala shakigaa soo kala dhexgalay isaga iyo mas’uuliyiinta Kulmiye iyo Xukuumadda.

Abdirizak Goud Nour

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this