Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu wasiir Jamaal ka yiri doorashada ka dhaceyso Boosaaso?

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda qorsheynta xukuumadda Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan oo haatan ku sugan Boosaaso, isaga oo markale u sharraxan Golaha Shacabka ayaa ka hadlay doorashada ka dhaceysa magaaladaasi.

Jamaal oo wareysi siiyey BBC ayaa walaac ka muujiyey qaabka loo qabanayo doorashada iyo halka lagu qabanayo, wuxuuna tilmaamay inay khilaafsan yihiin habraacyada doorashada.

Waxa kale oo uu soo jeediyey in kuraasta loo madax banneeyo Qabaa’iilada iska leh, gaar ahaan odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah.

“Qabaa’ilka ayaan rabnaa in loo madax banneeyo Qabiilka iyagaa kursigooda leh kuraastooda ninkii ay doonaan ha siiyeen faraha halooga qaado,” ayuu yiri Jamaal.

Wasiirka qorsheynta oo ay haatan si aad ah isku hayaan Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale ka hadlay amniga doorashada, isaga oo sheegay in la keenay ciidamada PMPF oo uu tilmaamay in meelo kale laga taageero, sida uu hadalka u dhigay.

“Marka waxa teendhooyinka loogu dhisanayo oo faraha loola galaayo ciidamada lagu keenaayo taas ayaan ka hortegeynaa,” ayuu markale yiri wasiirku.

Dhinaca kale waxa uu shaaca ka in Air Port-ka Teendho laga dhisay lagu qabanayo doorashada, iyadoo ay ilaalinayaam ciidan aan aheyn kuwa Soomaalida ee loogu tala galay amniga doorashada, sida Booliska ama ciidanka kale ee heshiiska lagu ahaa ee AMISOM

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “In wax la’iska qorqorto ma’aha danta reerkana ma’aha ee kursiga leh tan qarankana ma’aha tan Soomaalinimadana ma’aha marka arrimahaas ayaan ka digeynaa in lagu sii socdo oo lagu fogaado,”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmaha soo socda Boosaaso oo ah deegaan doorashada labaad ee Puntland lagu qabanayo kuraastii ugu horeysay ee Golaha Shacabka.

The post Muxuu wasiir Jamaal ka yiri doorashada ka dhaceyso Boosaaso? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this