Sign in to follow this  
Deeq A.

RW Rooble oo hakiyey doorashada Beelaha Banaadiriga + sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta soo saaray qoraal kooban oo uu ku hakinayo qabashada doorashada Beelaha Banaadiriga, taas oo ay hareeyeen murano xoogan.

Rooble ayaa sheegay inay soo gaartay cabasho la xiriirta guddiga odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ee soo xulaya ergada ka qayb-galeysa doorashada kuraasta Banaadiriga.

“Waxaa cabasho iga soo gaartay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Beelaha Banaadiriga, taas oo ku aaddan guddiga odayaasha iyo bulshada rayidka ah ee soo xulaya ergooyinka dooranaya kuraasta Golaha Shacabka ee  Banaadiriga,” ayuu yiri R/W Rooble.

Sidoo kale wuxuu tilmamay inuu magacaabayo guddi ka kooban xubno ka socda guddiga doorashooyinka iyo xafiiskiisa, si arrintan xal rasmi ah looga gaaro.

“Si loo xalliyo cabashadaas, waxaan magacaabayaa guddi ka kooban xubno ka mid ah Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee (FEIT) iyo Xafiiskeyga, si ay arrintan u baaraan warbixinna iigu soo celiyaan sida ugu dhaqsiyaha badan,” ayuu raaciyey ra’iisul wasaaruhu.

Ugu dambeyn wuxuu faray guddiga SEIT ee Banaadiriga inuu hakiyo doorashada 5-ta xubnood ee Banaadiriga ee  lagu murmay, taas oo lagu waday in la qabto Isniinta.

“Inta cabashadan xal loo helayo, waxaan farayaa guddiga SEIT ee Banaadiriga  in ay hakiyaan qabashada doorashada kuraasta Banaadiriga,”

Go’aankan ayaa kusoo aadayo, iyada oo shalay xubno ka mid ah beelaha Banaadiriga, gaar ahaan beesha reer Fiqi ay dhigtay dibad-bax cabasho ah, yagoo Ra’iisul Wasaaraha ku eedeeyey inuu qof gaar ah u boobayo halka kursiga ee ay ku leeyihiin Golaha Shacabka.

The post RW Rooble oo hakiyey doorashada Beelaha Banaadiriga + sababta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this