Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adda IMF oo ku hanjabtay in ay joojinayso taageerada ay siiso Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa shaacisay in haddii dib u dhac kale uu ku yimaado doorashada Soomaaliya ay joojin doonaan lacagaha ay ku taageeraan Mushaaraadka ciidamada iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.

Madaxa hay’adda lacagta adduunka ee IMF ee Soomaaliya Laura Jaramillo oo u warrantay Wakaalada Reuters ayaa u sheegtay in bisha May ee sanadkaan 2022 ay joojinayaan lacagtaas haddii dib u dhac danbe ku yimaado doorashada.

Laura Jaramillo ayaa tilmaamtay in tallaabada ay qaadi doonaan ay saameeyn ballaaran ku yeelan doonto shaqaalaha dowladda Federaalka, uuna Barnaamijka taageerada ah si toos ah uu u dhamaanayo haddii aysan jirin dowlad cusub 17-ka May.

Madaxa hay’adda lacagta adduunka ee IMF ee dalka Soomaaliya Laura Jaramillo ayaa tilmaantay in ay ku kalsoon yihiin in doorashada lagu soo gaba-gabeyn doono waqtigeeda, si aysan saameyn ugu yeelan barnaamijkaas.

PUNTLAND POST

The post Hay’adda IMF oo ku hanjabtay in ay joojinayso taageerada ay siiso Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this