Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF oo howlgal ku dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgallo ay si wadajir ah ciidamada dowladda iyo kuwa jubbaland uga sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey halka loo yaqaano Waraha Buur Qaylo, halkaas oo ay xarumo ku lahaayeen xoogaga Al-Shabaab.

Ugu yaraan 4 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howl-galladan, halka lagu dhaawacay 6 kale, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay cagta mariyeen xarumo iyo saldhigyo ay kooxda Al-Shabaab ku laheyd halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxayna ciidamada dowladdu shaaciyeen inay sii wadi doonaan beegsiga ay ku hayaan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Shabaab oo ku aadan howl-galladaas ee ay guulaha ka sheegeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland.

Jubbooyinka ayaa ka mid ah meelaha ay sida aadka ah ugu xoogan yihiin Xoogaga Al-Shabaab oo weeraro ku qaada saldhiga ciidamada huwanta ee ku yaalla halkaasi.

274460066_316638370488599_18860989466557 274291071_316638347155268_68066019789972 274344748_316638357155267_70982696727493

The post Ciidamada DF oo howlgal ku dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this