Sign in to follow this  
Deeq A.

IMF oo ku dhowaaqday go’aan saameynaya DF Soomaaliya, haddii..

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa ka hadashay xaaladda kala guurka ah ee Soomaaliya, waxaana ay shaacisay in dib u dhaca doorashooyinka uu saameyn xoogan ku yeelan doono dhaqaalaha lagu kabo mushaaraadka la siiyo ciidamada, qorshaha Deyn cafinta ee muddada soo socday iyo dhaqaale dalka.

Madaxa IMF ee Soomaaliya, Laura Jaramill ayaa ku dhowaaday in taakuleynta dhaqaale ay istaagi doonto, haddii doorashada ay dib uga dhacdo 17-ka bisha May ee sanadka 2022-ka.

Sidoo kale waxay intaasi ku dartay haddii ay doorashadu sii daahdo inay halis ku tahay xilliga lagu cusbooneysiinayo heshiiska IMF & Soomaaliya.

“Doorashooyinka dib u dhaca ku yimid waxa ay khatar ku yihiin waqtiga lagu cusbooneysiinayo heshiiska IMF & Soomaaliya, tallaabadaan waxa ay saameyn taban ku reebeysaa Shaqada Dowladda,” ayey tiri Laaura oo u warrantay Wakaaladda Reuters.

Waxa kale oo ay soo hadal qaaday qorshaha deyn cafinta iyada oo xustay in Soomaaliya looga baahan yahay inay bixiso lacag dhan 5 Bilyan ilaa 10 Bilyan oo Dollar.

“Miisaaniyadda Soomaaliya waa $400 oo Milyan oo Doollar, qayb kamid ah heshiiska lagu dhimayo Deynta waxaa ku xusan in la bixiyo in ka badan $5 Bilyan oo dollar ilaa $10 Bilyan oo dollar, wixii ka dambeeya 17ka May haddii aan la dhammeystirin Doorashooyinka waxaa istaagaya Kaalmada kabka ah ee lagu gacansiiyo ciidamada,” ayay tiri Madaxa hay’ada IMF

Walaacan ayaa kusoo aadayo, ayada oo doorashooyinka Soomaaliya ay dib u dhaceen muddo hal sano ah, waxaana muuqata in weli doorashado socon doonto bilooyin kale.

Si kastaba, dalka beesha caalamka iyo hay’adaha daneeya Soomaaliya ayaa marar kala duwan soo saaray digniino la xiriira dib u dhaca doorashada, si looga gudbo kala guurka.

The post IMF oo ku dhowaaqday go’aan saameynaya DF Soomaaliya, haddii.. appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this