Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo ku wajahan Qardho iyo Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ku wajahan magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa sida wararku sheegayaan Qardho kulamo kula yeelan doona mas’uuliyiinta dowladda iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada degmadaas.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in uu u sii gudbo magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari halkaas oo lagu qabanayo doorashada 16 kursi oo kamid ah Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya.

Sidoo kale guddiga hirgelinta doorashada heer Puntland ayaa laga sugayaa todobaadkan in ay soo saaraan jadwalka doorashada 16-ka kursi ee lagu qabanayo magaalada Boosaaso.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo ku wajahan Qardho iyo Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this