Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Ciraaqi Ah Oo Maxkamad Loo Soo Taagay Gabadh Soomaali Ah Oo Uu U Dilay Jaceyl Dartii

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Kuala Lambur)-Waxaa Maanta Maxkamad ku taalla Magaalada Kuala Lambur ee waddanka Malaysia lasoo taagay Nin u dhashay Ciraaq oo ku eedeysan dilka gabadh Soomaali ah oo toddobaadkan gudihiisa loogu geystay dalkaas.

Amal Maxamed Saciid oo ah qunsulka Safaaradda dowladda Soomaaliya ku leedahay Malaysia ayaa VOA-da u sheegtay in lasoo gaba-gabeeyay dhageysiga qeybta hore ee kiiska dacwada Ninka Ciraaqiga ah ee dilay Dahabo Cumar oo aheyd gabadh Soomaali ah.

Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Malaysia ayaa sheegtay in 9-ka bisha May Maxkamadeynta Ninka Ciraaqiga ah ee dilay Dahabo Cumar loo gudbin doono Maxkamadda sare ee dalkaas, si ay Go’aan uga gaadho kiiska dilka gabadha.

Dhageysiga Dacwada ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan Ehelada gabadha Soomaalida ah ee la dilay, taasi oo lagu magacaabi jiray Dahabo Cumar oo Maanta lagu aasi doono xabaalo ku yaalla Magaalada Kuala Lambur.

Nin u dhashay dalka Ciraaq kuna noolaa dalka Malaysia ayaa dilay gabadha Soomaaliya Dahabo Cumar, kaddib markii gabadha ay ninkaasi ka diiday xidhiidh jaceyl iyo mid guur uu usoo bandhigtay, iyagoona iskala shaqeyn jiray hal goob oo maqaayad ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this