Deeq A. Posted February 18, 2022 Saddex kursi oo kamid ah Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu doortay magaalada Kismaayo. Nasro Mahdi Carraale ayaa loo doortay kursiga kowaad ee Hop#023 kadib markii ay tanaasushay Sahro Cabdi Cilmi oo la tartamaysay. Kursiga Hop#092 waxaa ku guulaystay Saaddiq Cabdullaahi Cabdi kadib markii uu tanaasulay Cabdullaahi Aaden Ibraahim oo la tartamayay. Cadar Xareed Jibriil ayaa iyadana loo doortay kursiga Hop#132 kadib markii ay tanaasushay Ifraax Cabdiqani Yuusuf oo la tartamaysay. PUNTLAND POST The post Saddex kursi oo maanta lagu doortay magaalada Kismaayo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites