Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro: doorashada 3 Kursi oo aan lagu tartamin oo Maanta ka dhacday Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Maanta oo Jimco ah Magaalada Kismaayo ee maamul Jubbaland ayaa waxaa ka dhacday doorashada 3 Kursi oo aan lagu tartamin kadib markii ay is casileen musharixiintii malxiiska ahaa.

Kursiga ugu horreeyo ee lagu doortay Maanta Magaalada Kismaayo ayaa ah Hop#132  oo uu horay ugu fadhiyay Ibraahim Maxamed Xuseen (Buulle), waxaana ku guuleysatay  Cadar Xareed Jibriil kadib markii ay u tanaasushay Ifraax Cabdiqani Yuusuf oo la tartami laheyd, cod gacan taag ayaa waxaa Cadar u coddeeyey 98 Ergo oo ku sugneyd Goobta doorashada.

Kursiga labaad ee Hop#092 oo uu ku fadhiyay Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka Maxamuud Cabdullaahi Siraaji ayaa waxaa Maanta ku guuleystay Wasiirkii hore ee Howlaha Guud ee Xukuumaddii Ra’isulwasaare Kheyre Saadaq Cabdullaahi Cabdi kadib markii uu u tanaasulay Cabdullaahi Aadan Cabdi oo la tartami lahaa.

Xildhibaan Saadaq Cabdullaahi Cabdi ayaa cod gacan taag ah waxaa ugu codeeyay dhamaan Ergada goobta ku sugneyd oo aheyd 101 Ergo.

Kursiga Saddexaad ee Hop#023 oo uu horay ugu fadhiyay Cali Maxamed Muuse ayaa waxaa Maanta ku guuleysatay Nasro Mahdi Caraale kadib markii ay tanaasushay Sahro Cabdi Cilmi oo la tartami laheyd, waxaana cod gacan taag ah ugu codeeysay Nasro Mahdi Caraale 100 Ergo ah, marka cod kale la sheegay inuu ka aamusay qofkii lahaa.

Doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa ku socotaa si xoog leh, waxaana waqtigii lagu heshiiyey in lagu dhameystio ka dhiman wax yar 10 Maalin, waxaana muuqato inaan waqtigaas lagu soo gababey karin doorashada.

Guddiga doorashada ayaa ku adkeystay in waqtiga loo qabtay in lagu soo dhameystiro doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka lagu soo dhameystiri doono.

274116496_163657969332555_42805628734037 273921344_163657979332554_86495327532197 273965886_163649526000066_70315923714377 274017989_163649412666744_56471169631190 274001966_163660975998921_68483057565804

The post Sawiro: doorashada 3 Kursi oo aan lagu tartamin oo Maanta ka dhacday Kismaayo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this