Sign in to follow this  
Deeq A.

Tuulo ay mamnuuc tahay in Carruur lagu dhalo,Xoolana lagu dhaqdo,Xabaalo dadka Dhinta lagu aasona lahayn+Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Tuulo ay mamnuuc tahay in Carruur lagu dhalo,Xoolana lagu dhaqdo,Xabaalo dadka Dhinta lagu aasona lahayn+Sababta

A pregnant woman in Mafi Dove

Waa arrin la yaab leh, in tuulo ku taalla waddanka Ghana aanan laga ogolayn in carruur ay ku dhashaan.

Tuuladan Mafi Dove oo ku taalla koonfurta dalkaasi Ghana ayaa waxaa loo arkaa inay ku taal dhul barakaysan.

Tuuladaas waxaa deggan 5,000 oo qof dhammaantoodna ma ay jirto cid ku dhalatay halkaasi, maadaama mid ka mid ah shuruucda halkaas u taal ay dhigayso in dhulkaas ay mamnuuc ka tahay in carruur lagu dhalo, iyadoo arrintaas loo arko inay tahay dambi laga galayo ilaahyada ay dadkaas leeyihiin.

BBC

Haweenka uurka ah ayaa markii ay gaaraan waqtiga dhalmada waxaa la geeyaa tuulooyinka halkaas ka ag dhaw, iyadoo halkaas ay qasab tahay inay joogaan illaa ay ka dhalaan carruurtoodana ay kobcaan.

Markii laga soo tago inay mamnuuc tahay in carruur halkaas lagu dhalo, tuulada waxaa weli ka jira laba dhaqan oo ay si adag ugu dheggan yihiin dadka deggan.

BBC

Marka koobaad, waxaa mamnuuc ka ah tuulada in xoolo lagu dhaqdo arrintaas oo illaa maantadan la qadariyo oo dadka deegaanku ay dhowraan. Sikataba xaalku ha ahaadee, xoolaha ayaa tuuladaas la keeni karaa oo lagu gowrici karaa.

Dhaqanka kale ee isna u muuqda iuu yahay mid layaab leh sida labada dhaqan ee kale oo hore, ayaa ah in tuuladaasi aanay laheyn xabaalo lagu aaso dadka marka ay dhintaan.

Dadka ku dhinta tuuladaas ayaa waxaa lagu aasaa xabaalaha bulshooyinka kale.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this