Deeq A. Posted February 18, 2022 Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa saqdii dhexe ee xalay magacaabay guddi baaritaan ku soo sameeya dilka Taliyihii Saldhigga Booliska Beledweyne, Maxamed Xuseen Maxamuud (Duurdege). Taliyaha ayaa shalay ku geeriyooday iska horimaad ka dhacay gudaha saldhigga, oo u dhaxeeyay booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo boolis kale. Madaxweynaha ayaa Xeer Madaxweyne ku soo magacaabay guddigan oo ka kooban toddobo xubnood, si baaris degdeg ah ugu soo sameeyaan shaqaaqadii Taliyaha lagu dilay. Guddiga ayaa waxaa Gudoomiye looga dhigay Gaashaanle Maxamed Cabdulqaadir Maxamed, oo ah Kuxigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida. Xubnaha kale ee guddiga waxaa ka mid ah:- Gaashaanle Sare Xasan Dhicisow Xasan, Taliyaha Booliska Hirshabelle, Gudoomiye Kuxigeen Gaashaanle Sare Isaaq Cali Cabdulle, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Hiiraan, xubin Gaashaanle Dhexe Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay), Taliyaha Guutada 5aad, Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, xubin Laba Xidigle Colaad Cabdullaahi Dabaley, Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka Hiiraan, xubin Laba Xidigle Muuse Salaad Wehliye, xubin Laba Xidigle Xuseen Axmed Maxamed, xubin The post Guudlaawe oo magacaabay guddi baara dilkii Duurdege appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites