Sign in to follow this  
Deeq A.

Kursigii loo xiray Fahad Yaasiin oo la hakiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa hakiyay kursiga tirsigiisu yahay Hop#086 oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee taalla Beledweyne.

Guddiga ayaa qoraal ay soo saareen oo ku baahiyeen boggooda rasmiga ah ee Facebook ku sheegay in ay hakiyeen kursiga Hop#086, kadib markii cabashooyin ka soo gaareen nabadoonnada iyo odayaasha jifida leh kursiga.

Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa faray guddiga doorashooyinka heer Hirshabeelle inay hakiyaan qabashada doorashada kursigan, inta laga xalinayo cabashada laga soo gudbiyay.

FB_IMG_16451388511868194.jpg?resize=720%

Kursiga Hop#086 oo ka mid ah kuraasta ugu hadal haynta badan doorashada Golaha Shacabka ayaa loo xiray agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo caawa markii ugu horreysay inta uu ku jiray siyaasadda faafiyay sawirkiisa.

Lix kursi oo ka mid yahay kursigan ayaa doorashadoodu qorsheysnayd in ay Beledweyne ka dhacdo maalinta sabtida ee taariikhdu ku beegan tahay 20/02/2022.

FB_IMG_16451406095944052.jpg?resize=720%

PUNTLAND POST

The post Kursigii loo xiray Fahad Yaasiin oo la hakiyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this