Sign in to follow this  
Deeq A.

Cali Guudlaawe oo War Kasoo Saaray Taliyihii Baladweyne Lagu Dilay

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxweynaha maamulka  Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Allaha u naxariistee taliyihii Saldhigga Booliska magaalada Beledweyne Marxuum Lxle Maxamed Xuseen Maxamuud (Duurdage).
Madaxweynaha ayaa sheegay inaan la aqbali karin shaqaaqadii maanta ka dhacday Saldhiga magaalada waxa uuna faray taliska Ciidanka Booliska Hirshabeelle inay soo cadeeyaan falka uu ku dhintay taliyihii Saldhigga Magaalada Beledweyne.
Madaxweynaha ayaa u tacsiyeeyay qoyska qaraabada iyo guud ahaan Ciidanka Booliska ee uu ka baxay marxuumka, waxa uuna Allah uga baryay inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo marxuum  lixle Maxamed Xuseen Maxamuud (Duurdage).
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this