Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawlada UK oo cambaaraysay xukun dil ah oo Dawlada S/land ku fulisay 4 Gacan-ku-dhiigle

Recommended Posts

Deeq A.   
 Dawlada UK oo cambaaraysay xukun dil ah oo Dawlada S/land ku fulisay 4 Gacan-ku-dhiigle

 

uk-e1645104877616.jpg

Wakiilka dowlada Ingiriiska  u joogta Somaliland marwo Lizzie Walker, ayaa walaac kamuujisay, xukun dil ah oo xukuumada Somaliland ku fulisay, 4 askari oo horay u dilay askar kale.

Walker ayaa sheegtay in dowladeedu aad uga soo horjeedo “xukunka dilka ah”, waxayna ku andacootay in ciqaabta dilka ahi, ay meel ka dhac ku tahay sharafta qofka ibnu aadamka ah.

We are deeply concerned about the executions that took place this morning in #Somaliland. 🇬🇧 position is well known: We oppose capital punishment at all times and under all circumstances. The death penalty is incompatible with human dignity. It has no deterrent effect on crime.

— Lizzie Walker (@LizzieWFCDO) February 16, 2022

“Waxa aad noo walaac galiyay qisaasta saaka laga fuliyay Somaliland, halka ay UK ka taagantahay sifiican ayaa loo yaqaana: Waanu ka soo horjeednaa qisaasta oo dhan wakhti kasta iyo duruufkasta, ciqaabta dilku waa mid aan ku haboonayn sharafta aadanaha.  Waxba kama tarto ka hortaga dembiyada” ayay tidhi Walker.

Dowlada Ingiriiska iyo dowladaha kale ee reer Yurub, ayaa badanaa ka qayliya mar kasta oo Somaliland dil ku fuliso qof qof dilay, taa badalkeeda uma badna in ay ka hadlaan xukunada dilka ah ee ay dowlada Soomaaliya  fuliso.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this