Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Madaxweyne Biixi oo dalab culus u diray UK

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi culus oo ka socday Baarlamaanka UK, kaas oo uu horkacayey MP. Gavin Williamson oo haatan booqasho ku jooga magaalada Hargeysa.

Kulankan oo arrimo dhowr ah looga hadlay ayaa waxaa goobjoog ahaa madaxweyne ku xigeenka Somaliland, wasiirka arrimaha dibedda iyo wakiilka Somaliland ee Ingiriiska.

Ugu horreyn madaxweyne Biixi ayaa xildhibaanada uu la kulmay uga mahadceliyey doodii ku aadaneyd madax-banaanida Somaliland ee ay dhowaan horgeeyeen Golaha Baarlamaanka UK, isaga oo sidoo kale kala hadlay adkaynta xiriirka labada dhinac.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale  fariin u diray dhammaan Baarlamaanada kale ee caalamka, wuxuuna dalbaday inay ku daydaan baarlamaanka Uk.

“Waa inay ku dhiirradaan inay horkeenaan golayaashooda doodda la xiriirta madax banaanida Sonaliland, maaddaama wakhtigani yahay kii ay Somaliland iyo Shacbigeedu Sugayeen xaqii ay beesha caalamka ku lahaayeen,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Muuse Biixi oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale ka dalbaday dowladda UK inay ballaariso xafiiska ay ku leedahay caasimada Hargeysa, si loo helo adeegyo bulsho oo dhamaystiran.

Somaliland ayaa sanadihii u dmabeeyey xoogga saartay horumarinta siyaasadda dibadda, walow aysan weli heli xiriir caalami ah oo ku aadan aqoonsiga ay mudada fog raadineyso.

274310811_494035352085158_84695952456123 273904102_494035342085159_38727319324798

The post Sawirro: Madaxweyne Biixi oo dalab culus u diray UK appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this