Deeq A. Posted February 17, 2022 Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu doortay 7 kursi oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay Gobollada Waqooyi Somaliland. 1: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#264 ayaa waxaa kusoo baxay musharrax xildhibaan Cabdilaahi Cabdi Maxamed, kaas oo kusoo baxay 87 cod, kadib markii ay tanaasushay musharrax marwo Sacdiya Maxamed Cabdi 2 qof ayaa ka aamustay. 2:Kursiga tirsigiisu HOP#212 ayaa waxaa kusoo baxday musharrax xildhibaan marwo Nuuriya Aadan ciise oo heshay 93 cod oo gacan taag ah, kadib markii ay tanaasushay marwo, Farxiya Maxamed Cabdillahi, halka 7 qof ay ka aamustay codeynta. 3:Kursiga tirsigiisu yahay HOP# 258 ayaa waxaa kusoo baxday musharrax xildhibaan marwo sahra yuusuf cige, taas 96 cod oo gacantaag ah, kadib markii ay tanaasushay Marwo,Aaamina abuukar Mohamed, halka 4 qof ay ka aamustay codeynta. 4: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#207 ayaa waxaa kusoo baxay musharrax xildhibaan Dr. Maxamed Xasan Maxamed kaas oo 100 oo gacantaag ah kusoo baxay, kadib markii ay kursiga tanaasushay Hodan ilyaas Bashiir, waxaan ka aamusay 2 qof. 5:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#242 aya waxaa kusoo baxday musharrax xildhibaan Faadumo Ismaacil Xuseen oo 98 cod oo gacantaag ah kusoo baxaday, kadib markii kursiga ay ka tanaasushay Aasiya Cabdirashiid faarax 3 qof ayaa ka aamustay. 6:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#224 ayaa waxaa kusoo baxay musharrax xildhibaan Caydaruus saalax yuusuf, kaas oo 99 cod oo gacan taag ah, kadib markii ay tanaasushay musharrax xildhibaan Hoodo Saalax Cabdi, halka 2 qof ay ka aamustay. 7: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#264 ayaa waxaa kusoo baxay musharrax xildhibaan Nuuradiin Cabdilaahi Coljoog, kaas oo 98 cod oo gacantaag ah kusoo baxay kadib markii uu tanaasushay Maryam Maxamed Nuur, waxaana ka aamusay 2 qof. Kuraastaan maanta lagu doortay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay qeyb ka yihiin golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya, iyadoo la gudo galay maalmihii ugu dambaysay ee soo doorashada golaha shacanka, waxaana la filayaa in guud ahaan lasoo gabagabeeyo doorashadooda 25-ka bishaan February oo loo asteeyey. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites