Sign in to follow this  
Deeq A.

7 Kursi Oo Muqdisho Lagu Doortay, Akhriso Yaaku Soo Baxay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu doortay 7 kursi oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay Gobollada Waqooyi Somaliland.

1: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#264 ayaa waxaa kusoo baxay musharrax xildhibaan Cabdilaahi Cabdi Maxamed, kaas oo kusoo baxay 87 cod, kadib markii ay tanaasushay musharrax marwo Sacdiya Maxamed Cabdi 2 qof ayaa ka aamustay.

May be an image of 1 person, sitting, suit and indoor

2:Kursiga tirsigiisu HOP#212 ayaa waxaa kusoo baxday musharrax xildhibaan marwo Nuuriya Aadan ciise oo heshay 93 cod oo gacan taag ah, kadib markii ay tanaasushay marwo, Farxiya Maxamed Cabdillahi, halka 7 qof ay ka aamustay codeynta.

273767894_279283534247051_787554527429380511_n.jpg?stp=dst-jpg_p480x480&_nc_cat=101&ccb=1-5&_nc_sid=8bfeb9&_nc_ohc=D9T5Guv26ZsAX9-ErDr&tn=FBYYBahKlb7wj1fi&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&oh=00_AT8pAAbI7Rf8DaRfzqBHI6VcNtGqCIOnxMuR94SP7Xo6ZQ&oe=6212C6D8

3:Kursiga tirsigiisu yahay HOP# 258 ayaa waxaa kusoo baxday musharrax xildhibaan marwo sahra yuusuf cige, taas 96 cod oo gacantaag ah, kadib markii ay tanaasushay Marwo,Aaamina abuukar Mohamed, halka 4 qof ay ka aamustay codeynta.

273776048_279319057576832_180008124074730806_n.jpg?stp=dst-jpg_p480x480&_nc_cat=109&ccb=1-5&_nc_sid=8bfeb9&_nc_ohc=I7nJJ032TQQAX-meZrh&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&oh=00_AT_1Eo-9rTGao_uDnJOTGpEH2O7m7H8wKQFk9Gj56lbW6g&oe=621279BB

4: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#207 ayaa waxaa kusoo baxay musharrax xildhibaan   Dr. Maxamed Xasan Maxamed kaas oo 100 oo gacantaag ah kusoo baxay, kadib markii ay kursiga tanaasushay Hodan ilyaas Bashiir, waxaan ka aamusay 2 qof.

May be an image of 2 people and people sitting

5:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#242 aya waxaa kusoo baxday musharrax xildhibaan Faadumo Ismaacil Xuseen oo 98 cod oo gacantaag ah kusoo baxaday, kadib markii kursiga ay ka tanaasushay Aasiya Cabdirashiid faarax 3 qof ayaa ka aamustay.

274092224_279301950911876_1949217825062252300_n.jpg?_nc_cat=101&ccb=1-5&_nc_sid=8bfeb9&_nc_ohc=WulYRptnrgEAX8ZlHe_&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&oh=00_AT8IcJIqyv7SAJ78aSsyUHhDyJ--dUptL--XtFF42iuyyw&oe=6212F93D

6:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#224 ayaa waxaa kusoo baxay musharrax xildhibaan Caydaruus saalax yuusuf, kaas oo 99 cod oo gacan taag ah, kadib markii ay tanaasushay musharrax xildhibaan Hoodo Saalax Cabdi, halka 2 qof ay ka aamustay.

273899254_279332407575497_2731407485176129333_n.jpg?_nc_cat=106&ccb=1-5&_nc_sid=8bfeb9&_nc_ohc=unPvjBn2rQUAX-AOu-I&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&oh=00_AT93CGUb4a_6sNd9fmy_3Mn1WzefWln4KxxMey8WpreTsw&oe=62130100

7: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#264 ayaa waxaa kusoo baxay musharrax xildhibaan Nuuradiin Cabdilaahi Coljoog, kaas oo 98 cod oo gacantaag ah kusoo baxay kadib markii uu tanaasushay Maryam Maxamed Nuur, waxaana ka aamusay 2 qof.

May be an image of 2 people, people sitting and indoor

Kuraastaan maanta lagu doortay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay qeyb ka yihiin golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya, iyadoo la gudo galay maalmihii ugu dambaysay ee soo doorashada golaha shacanka, waxaana la filayaa in guud ahaan lasoo gabagabeeyo doorashadooda 25-ka bishaan February oo loo asteeyey.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this