Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Cali Saciid Fiqi iyo xubno kale oo loo doortay Golaha Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Baraawe (Caasimada Oinline) – Magaallo xeebeedka Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka, kuwaas oo baarlamaanka kasoo galaya dhinaca dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Kuraasta doorashadooda la qabtay ayaa kala ah: Hop-062, Hop-251, Hop-195, Hop-187, Hop-057 iyo Hop-194.

Xubnahan kuraastan ku soo baxay waxaa ka mid ah guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed Dr, Cali Saciid Fiqi oo ku guuleystay kursiga Hop-187, kadib markii uu helay codad gaaraya 80 cod, halka musharaxii la tartamayey Nuur Cumar Aadan uu isna helay 16 cod.

Wararka ayaa sheegaya in Fiqi loo wado guddoomiyaha baarlamaanka, wuxuuna taageero xoogan ka helayaa Villa Soomaaliya iyo madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen.

Sidoo kale waxaa soo baxay xubnaha kala ah:-

1-Aweys Maxamed Cumar oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-062.

2-Nuuracayn Khaliif sheekh Abuu oo ku guuleysatay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-251.

3-Maxamed Xasan Maxamed (Murjaan) oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-195.

4-Muqtaar Axmed Xasan oo  ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-057.

5-Xamza Saciid Xamza oo  ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-194.

273968302_165093935853213_18881163112092 272961532_165101809185759_61140475016239 273011622_165103629185577_32244924627129 273782134_165092365853370_29395443985271 273935942_165105242518749_22024734535031

 

The post Sawirro: Cali Saciid Fiqi iyo xubno kale oo loo doortay Golaha Shacabka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this