Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xubno uu ku jiro Wariye kasoo cararay Somaliland oo loo doortay BF

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashada ee Somaliland ayaa maanta qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federalka ah ee Soomaaliya, kuwaas oo ay deegaan doorashadooda ay tahay gobollada waqooyi.

Kursi ka mid ah kuraasta doorashadooda la qabtay waxaa ku soo baxay Wariye Nuuradiin Cabdilaahi Coljoog, kaas oo ku guuleystay kursiga HOP#246, isaga oo helay codad gaaraya 96 cod, waxaana u tanaasushay Marwo Maryam Maxamed Nuur oo la tartami laheyd.

“Musharax xildhibaan Mudane Nuuradiin Cabdilaahi Coljoog ayaa loo qaaday codka kalsoonida ee ergada oo ay soo xaadireen 98 Ergay, wuxuuna helay 96 cod, waxa ka aamusay 2qof. Sidaa daraadeed natiijada hordhaca ah waxa kusoo baxay kursiga tirsigiisu yahay HOP#246 Nuuradiin Cabdilaahi Coljoog,” ayaa natiijada kasoo baxday guddiga.

Coljoog ayaa horey u ahaa wariye kasoo shaqeeyey deegaanada Somaliland, balse kasoo cararay, waxaana xarumaha uu kasoo shaqeeyey ka mid ah Telefishinka Qaranka Somaliland, TV-ga Universal iyo sidoo kale Saab TV oo ku yaalla magaalada Hargeysa.

Sidoo kale xubnaha kale ee maanta ku soo baxay kuraasta gobollada waqooyi ee doorashadooda la qabtay ayaa waxaa ka mid ah:-

1-Cabdilaahi Maxamed Cabdi oo ku soo baxay kursiga HOP#264.

2-Nuuriya Aadan Ciise oo kusoo baxday kursiga HOP#212.

3-Dr Maxamed Xasan Maxamed oo kusoo baxay kursiga HOP#207.

4-Faadumo Ismaacil Xuseen oo ku soo baxday kursiga HOP#242.

5-Sahra Yuusuf Cige oo kusoo baxday kursiga HOP#258.

6-Caydaruus Saalax Yuusuf oo kusoo baxay kursiga HOP#224.

274000822_279274680914603_44291500131862 274006348_279346617574076_42168405827475 274092224_279301950911876_19492178250622 273767894_279283534247051_78755452742938 273776048_279319057576832_18000812407473 273852001_279294984245906_30653333610705 273899254_279332407575497_27314074851761

The post Sawirro: Xubno uu ku jiro Wariye kasoo cararay Somaliland oo loo doortay BF appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this