Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo sheegtay in ay weeraro toos ah ku bilowday Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
caraale.png?resize=1000%2C563&ssl=1

Guddoomiyaha Al-shabaab u qaabilsan Gobolka Banaadir oo lagu magacaabo Muuse Cabdi Carraale ayaa sheegay in Al-shabaab bilowday weeraro toos ah oo lagu qaadayo degmooyinka kala duwan ee magaalada Muqdisho.

Muuse Carraale oo codkiisa laga sii daayay warbaahinta taageerta Al-shabaab ayaa tilmaamay in weerarkii habeen ka hor lagu qaaday degmooyin ka tirsan Muqdisho ay hub iyo saanad badan kaga furteen Ciidamada dowladda.

Wuxuu sheegay in aysan Al-shabaab hub iyo saanad soo iibsan balse ay ciidamada dowladda Federaalka ka furtaan hubka iyo saanadda loo keeno haddana ay dib ugu weeraraan Muqdisho.

Carraale ayaa ku hanjabay in ay maalmaha soo socda Muqdisho ku qaadi doonaan weerarro toosa oo ka dhan ah ciidamada dowladda.

Waxaa xusid mudan in Al-shabaab Muqdisho laga saaray 11 sano ka hor oo ku beegan  6-dii bishii Agoosto sannadkii 2011.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo sheegtay in ay weeraro toos ah ku bilowday Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this