Deeq A. Posted February 17, 2022 Taliyihii saldhiga Booliska Beledweyne Maxamed Xuseen Maxamuud (Duurdage) ayaa ku dhintay dagaal dhexmartay ciidamo kawada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya. Taliyaha ayaa ku dhintay dagaal magaalada Beledweyne ku dhexmartay ciidamada Booliska Beledweyne iyo ciidamada Haramacad ee dhawaan halkaas ay gaysay dowladda federaalka Soomaaliya. Dagaalka ayaa ka dhacday gudaha saldhiga Booliska ee magaalada Beledweyne, xilli saldhiga ay ku sugnaayeen dad ay saaka howlgal ku soo qabteen ciidamada Haramacad. Xaaladda magaalada Beledweyne ayaa hadda kacsan, waxaana dagaalka si weyn looga dareemay xaafadaha kala duwan ee Beledweyne. PUNTLAND POST The post Taliye ku dhintay dagaal ka dhacay Beledweyne appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites