Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Somaliland Oo Joojiyay Mudaharaad Saaka Dhici Lahaa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Booliiska Somaliland, ayaa sheegay in aan la qaban karin mudaharaad lagaga soo horjeedo maciishada qaaliyowday, oo la filayay in uu saaka ka dhaco, afaafka hore ee Golaha Wakiilada Somaliland.

Taliye ku xigeenka ciidanka booliska  Sareeyo guuto Cabdi Xasan Mirre, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in mudaharaadka oo uu ku baaqay xildhibaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laabsaalax), oo xisbiga KULMIYE ugu jira golaha wakiilada aan loo marin wadadii sharciga ahayd.

“Mudaharaad marka lasamaynayo wuxuu leeyahay sharciyad, nidaam ayaa loo maraa, ogolaansho marka la helo kadib ayaa lagu baaqaa oo la war galiyaa dadweynaha, waa nasiib daro in dareenkaasi kasoo baxo xubin kamid ah kuwii ay saarnayd masuuliyada ilaalinta sharciga…” ayuu yidhi taliye Mirre.

Taliyaha ayaa sheegay in aanu wax mudaharaad ahi dhici doonin, “Waxaanu dadweynaha u sheegayna in aanu mudaharaadkaasi jirin, wax sharciyad ah oo uu ku qotomaana jirin”.

Halkan hoose ka DAAWO

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this