Sign in to follow this  
Deeq A.

Ammaanka Magaalada Hargeysa Oo La Adkeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamo boolis Ah oo ku gaashaaman qalabka ka hortaga rabshadaha ayaa gaaf-wareegaya agagaarka Madaxtooyada, Golaha wakiillada ilaa Suuqa Hoose , kuwaas oo diyaar u ah sugida amniga iyo ka hortaga isu-soobaxa uu shacabka ugu baaqay xildhibaan Xasan Dhuxul Laabsaalax .

Balse Shacabka Somaliland oo la daalaadhacaya xaalada adag ee sicir-bararka ayaa isu-soobaxan ka baaqday kadib markii taliska ciidanka booliska Somaliland uu xalay shacabka uga digay in ay isu-soo baxan.

Ma jiro wax dhaqdhaqaaq Ah oo ku saabsan isu-soobaxa oo laga dareemayo magaalada Hargeysa oo loo ballansanaa in uu ka dhaco.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this