Deeq A. Posted February 17, 2022 Ciidamo boolis Ah oo ku gaashaaman qalabka ka hortaga rabshadaha ayaa gaaf-wareegaya agagaarka Madaxtooyada, Golaha wakiillada ilaa Suuqa Hoose , kuwaas oo diyaar u ah sugida amniga iyo ka hortaga isu-soobaxa uu shacabka ugu baaqay xildhibaan Xasan Dhuxul Laabsaalax . Balse Shacabka Somaliland oo la daalaadhacaya xaalada adag ee sicir-bararka ayaa isu-soobaxan ka baaqday kadib markii taliska ciidanka booliska Somaliland uu xalay shacabka uga digay in ay isu-soo baxan. Ma jiro wax dhaqdhaqaaq Ah oo ku saabsan isu-soobaxa oo laga dareemayo magaalada Hargeysa oo loo ballansanaa in uu ka dhaco. Source Share this post Link to post Share on other sites