Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowlada Ingiriiska Oo Cambaaraysay Xukun Dil Ah Oo Xukuumada Somaliland Ku Fulisay 4 Qof

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland ayaa shalay xukun dil toogasho ah ku fulisay Afar Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Somaliland, kuwaasi oo hore xukuno loogu riday, kadib markii lagu helay inay dilal geysteen.

Marwo Lizzie Walker oo ah Wakiilka dowladda Ingiriiska u joogta Somaliland oo qoraal soo saartay ayaa waxaa ay ku Cambaareeysay xukunka dilka toogashada ahaa ee lagu fuliyay askarta ka tirsaneyd Somaliland ee hore dilalka u geystay.

Wakiilada ayaa tilmaamtay inay aad walaac u gelisay toogashada lagu fuliyay Askarta, isla markaana sheegtay in dowladda Ingiriiska kasoo horjeedo xukunka dilka ah ee qisaasta, iyadoo ku andacootay in ciqaabta dilka ahi, ay meel ka dhac ku tahay sharafta qofka.

“Waxa aad noo walaac galiyay qisaasta saaka laga fuliyay Somaliland, halka ay UK ka taagantahay sifiican ayaa loo yaqaana, Waanu ka soo horjeednaa qisaasta oo dhan wakhti kasta iyo duruuf kasta, ciqaabta dilku waa mid aan ku haboonayn sharafta aadanaha,  Waxba kama tarto ka hortaga dembiyada” ayay tidhi Walker.

Dowlada Ingiriiska iyo dowladaha kale ee reer Yurub, ayaa badanaa ka qayliya mar kasta oo Somaliland dil ku fuliso qof qof kale dilay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this