Sign in to follow this  
Deeq A.

Saxafi Hore Nuuradiin Coljoog Oo Loo Doortay Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Wariye Nuuradiin Coljoog, ayaa loo doortay maanta xildhibaan ka tirsan Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya, TV-ga UNIVERSAl.

Wariye Nuuradiin ayaa ka tirsanaa Telefishanka Universal, isagoo horey uga soo shaqeeyay TVga Qaranka Somaliland iyo Saab TV.

Nuuradiin, ayaa magaalada Hargeysa ka tegay kadib markii la xidhay TV-ga UNIVERSAl oo uu xilligaasi ka shaqayn jiray.

Qoraal ay baahiyeen guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa lagu yidhi sida tan:

Guddiga Maamulka Doorashada Xildhibaanada Kuraasta Labada Aqal ee Somaliland SEIT ayaa qabtay tartanka kursiga tirsigiisu yahay HOP#246

Musharixiinta ku tartamay waxay kala ahaayeen

1. Musharax xildhibaan , Mudane Nuuradiin Cabdilaahi Coljoog 

2. Musharax Xildhibaan, Marwo,Maryam maxamed nuur

Musharax Xildhibaan  Marwo Maryam maxamed  nuur ayaa ka tanaasushay tartanka Doorashada.

Musharax xildhibaan mudane  nuuradiin cabdilaahi coljoog ayaa loo qaaday codka kalsoonida ee ergada oo ay soo xaadireen 98 Ergay, wuxuuna helay 96  cod, waxa ka aamusay 2qof

Sidaa daraadeed natiijada hordhaca ah waxa kusoo baxay kursiga tirsigiisu yahay HOP#246 Nuuradiin Cabdilaahi Coljoog

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this