Sign in to follow this  
Deeq A.

Saddex Kursi Oo Maanta Lagu Dooranayo Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa maanta oo khamiis ah magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug lagu qabanaya doorashada saddex kamid ah kuraasta golaha shacabka.

Kuraasta maanta lagu dooranayo Dhuusamareeb ayaa waxa ay kala yihiin HOP#035, HOP#055 iyo HOP#147.

Waxaa baarlamaankii 10-aad kuraastaan ku matalayay dadka iska leh xildhibaanada kala ah :-

HOP#035:Maxamed Cabdulle Faarax [GEESEY]

HOP#055:Sakariye Xasan Sh. Cali

HOP#147: Mahad Maxamed Salaad

Waxaa isku soo sharaxay oo hadda u tartamaya musharixiinta kala ah Mahad Maxamed Salaad iyo Shamso Cabdullahi Maxamed oo u tartamaya kursigga HOP#147, Maxamed Xuseen Abuukar iyo Maxamed Saciid Cabdullahi oo u tartamaya kursiga HOP#055  iyo Cumar Cali Cabdi iyo Cabdullahi Axmed Cabdi oo u tartamaya kursiga HOP#035.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this