Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyihii Booliiska Baladweyne Oo Dagaal Lagu Dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaarayo magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal kooban uu ciidama kawada tirsan dowladda ku dhex maray saldhigga magaalada.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidamada Haramacad oo dhawaan la geeyay magaalada Baladweyne iyo kuwa booliiska waxa uuna dagaalka ka dhacay iridda hore ee xarunta saldhigga booliiska magaalada Baladweyne.

Waxaa la xaqiijiyay in dagaalka uu ku dhintay Taliyihii ciidamada booliiska magaalada Baladwe Maxamed Xuseen Duurdage oo ku sugna goobta uu dagaalka ka dhacay.

Illa iyo hadda macadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaal ciidamada Haramacad iyo kuwa booliiska ku dhex maray saldhigga booliiska magaalada Baladweyne.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this