Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxda AL-SHABAAB oo shaacisay qorshaheeda xiga weeraradii MUQDISHO

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta taageerta kooxda Al-Shabaab ayaa baahisay wareysiga nin sheegtay guddoomiyaha Al-Shabaab u qaabilsan magaalada Muqdisho, kaas oo lagu magacaabo Sheekh Muuse Cabdi Carraale, waxuuna ka hadlay weerarradii ay ka fuliyeen degmada Kaxda iyo deegaanka Daarusalaam.

Waxa uu sheegay inay si joogto ah uga howlgalaan magaalada Muqdisho, balse weerarkii habeen hore uu ahaa mid ay aad uga soo shaqeeyeen, isla markaana u dhacay sidii ay u qorsheeyeen, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Sidoo kale Muuse Carraale ayaa ku goodiyey inay soo noqon noqon doonaan weerarada ay ka geysanayaan Muqdisho, isagoo sheegay inay beegsa doonaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa shisheeyaha oo uu kala jeedo AMISOM.

“Weeraradii xalay oo kale wey soo noqnoqon doonaa, go’aankeenu waa in Soomaaliya aysan ka hir-gelin qorshayaasha shisheeyaha, taasina ma suurta geli doonto inta aan noolnahay,” ayuu yiri Muuse Cabdi Carraale oo sheegtay inuu yahay guddoomiyaha Al-Shabaab ee gobolka Banaadir.

Ninkaan ayaa sheegay in gaadiid iyo rasaas ay ku furteen weerarradii ay ka fuliyeen Muqdisho, isla markaana ay si buuxda ula wareegeen goobihii uu bartilmaameedkoodu ahaa.

Waxuu sheegay in weeraradaas ay u qeybiyeen degmooyinka Kaxda, Deyniile iyo Yaaqshiid, isla markaana ay socdeen saqdii dhexe ee habeenkii Talaadada, ilaa waa berigii.

Weeraraad ay kooxda Al-Shabaab ka geysatay gudaha magaalada Muqdisho ayaa sababay inay dhulka la simaan dhamaan dhismayaashii saldhigga degmada Kaxda, waxayna horay u sii kaxeysteen gaadiid dagaal oo yaallay saldhigga.

Afhayeen Booliska Soomaaliya oo ka hadlay weerarradii ay Al-Shabaab ka geysteen gudaha Muqdisho ayaa shaaciyey geerida laba qof, dhaawacyada 16 kale iyo waxyeelo uusan kaala cadeyn nooceeda oo soo gaartay seddax askari oo ka tiranaa ciidamada dowladda, sidoo kale waxuu qiray in laba gaari ay Al-Shabaab kala baxeen saldhigga degmada Kaxda.

The post Kooxda AL-SHABAAB oo shaacisay qorshaheeda xiga weeraradii MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this