Sign in to follow this  
Deeq A.

Nuxurka Qodobaday ka wada hadleen Hogaanka Xisbiyada Ucid & Waddani iyo Bulshada Caalamku

Recommended Posts

Deeq A.   
 Nuxurka Qodobaday ka wada hadleen Hogaanka Xisbiyada Ucid & Waddani iyo Bulshada Caalamku
273940987_121346953787931_22611443744225
273823936_121347003787926_15212830792380
273865001_121347057121254_27045105672814
271595213_121347087121251_87402884016323
273651449_121347133787913_28030276738406
Hoggaanka sare ee labada Xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID ayaa kulan la qaatay wefti culus oo ka socday Waddamada Beesha Caalamka ee Jamhuuriyadda Somaliland ka taageera dimuqraadiyadda iyo horumarka oo Hargeysa ku sugan.
Kulanka waxa lagaga wada hadlay sidii doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ka qorshaysan ee sanadkan 2022 si habsami leh wakhtigooda ugu qabsoomi lahaayeen, isla markaana loo dardar gelin lahaa dhammaystirka wixii caqabado ah.
Kulanka ayaa lagaga hadlay sidii dhakhso loogu bilaabi lahaa hannaanka u diyaar garowga doorasho ku dhacda waqtigeedii oo ay ugu horreynayso nidaamka diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo muhiim u ah doorashooyinka.
Madaxda Xisbiyada Mucaaradka ayaa sida oo kale weftigan oo isugu jira Safiirro iyo madaxda hay’ado kala duwan kala hadlay sidii Beesha Caalamku gacan weyn uga gaysan lahayd gurmadka xaaladda abaaraha ee Somaliland ka taaggan xilligan.
Kulankan ayaa inta badan isku aragti lagaga ahaa arrimaha lagaga hadlay ee abaaraha iyo doorashooyinku udub dhexaadka u ahaayeen, Weftigan ayaa ka koobnaa safiirrada Midawga Yurub, Sweden, Denmark, Finland, Norway, Madaxa Xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa iyo saraakiil kale.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this