Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi Oo Qaabiley Wefti Ka Socda Midowga Yurub Iyo UK

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta  xafiiskiisa ku qaabilay wefti ballaadhan oo ay ka mid yihiin safiirrada dalalka Norway, Sweden, Finland, Denmark iyo Midowga Yurub iyo madaxa xafiiska Ingiriisku ku leeyahay Hargeysa oo ay weheliyaan masuuliyiin sarsare oo ka socda safaaradda Jarmalka iyo xafiiska horumarinta ee UK.

Waxaana kulankaa lagaga wada hadlay arrimaha doorashooyinka Somaliland, xaaladda abaareed ee dalka ku sii baahaysa, Qorshaha Horumarinta Qaranka ee saddexaad (NDPIII), iyo doorka beesha caalamku ka geysan karaan fulinta qorshahaasi, arrimaha nabadgelyada mandaqadda geeska Afrika iyo kaalinta Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay.

Waxaanu kulankaasi ku soo dhammaaday is-afgarad buuxa iyo wadashaqayn in sannadkani lagu hawl-galo lana dardar-geliyo hawluhu siday u kala muhiimsan yihiin una kala mudan yihiin.

Waxaana madaxweynaha kulankaasi ku wehelinaayey wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, horumarinta maaliyada, Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka iyo Safiirka Somaliland ee Kenya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this