Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda Xisbiyada Mucaaradka Somaliland Ee UCID Iyo WADDANI Oo Galabta Hargaysa Kulan Kula Qaatay Wafti Ka Socda Midawga Yurub Iyo UK

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxda Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ee UCID Iyo WADDANI, oo ay hor kacayeen, Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi(Cirro), ayaa galabta magaalada Hargaysa kulan kula yeeshay, wefti ballaadhan oo ka socday midawga Yurub iyo UK, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen, safiirrada dalalka Norway, Sweden, Finland, Denmark iyo Midowga Yurub iyo madaxa xafiiska Ingiriisku ku leeyahay Hargeysa oo ay weheliyaan masuuliyiin sarsare oo ka socda safaaradda Jarmalka iyo xafiiska horumarinta ee UK.
Waxaana kulankaa lagaga wada hadlay arrimaha doorashooyinka Somaliland iyo xaaladda abaareed ee dalka ka jirta.
Waxaana kulankaasi Gudoomiyaha Xisbiga UCID, ku wehelinayay, Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Xisbiga Xildhibaan Cumar Jaamac, Gudoomiye ku xigeennada Xisbiga ee Canab Cabdi Xirsi iyo Cali Xaamud Jibriil, Gudoomiyaha Gudddida arrimaha dibadda ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Maxamed Jaamac Koodbuur(Shiine) iyo Xoghayaha guud ee Xisbiga Ibraahim Cabdi Xuseen.

273667764_243145334672188_30744997894092 273683487_243145168005538_17467144170043 273684359_243145154672206_12423516083260 273693299_243145358005519_36945208081175 273958562_243145248005530_87997330702560

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this