Sign in to follow this  
Deeq A.

Mahad Salaad oo qaatay shahaadada musharaxnimo iyo rajadii Cali Yare oo dhimatay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga doorashada maamulka Goboleedka Galmudug ayaa shahaadada musharaxnimada guddoon siiyey Xildhibaan Mahad Salaad oo shantii sano ee lasoo dhaafay kamid ahaa xubnihii sida weyn u mucaaradsanaa xukunka madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaan Mahad Salaad oo u sharaxan kursiga HOP#147, oo uu ku fadhiyey sanadihii lasoo dhaafay, ayaa waxaa la tartameysa Shamsa Cabdullaahi Maxamed, oo sida muuqata ah malxiis aan rajo laga qabin inay guuleysato.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa la hubaa inuu kusoo bixi doono doorashada kursigan, kadib markii laga xiray dhammaan xubnihii doonayey inay loolanka adag geliyaan.

Arrintaan ayaa ka dhigan in guddoomiye ku-xigeenka dhanka amniga ee maamulka Gobolka Banaadir Cali Yare Cali, oo ka mid ah ragga sida weyn u taageersan Farmaajo, uu si rasmi ah u waayey kursiga HOP#147 oo loo diiday xataa inuu u tartamo, ayada oo laga celiyey garoonka Aadan Cadde.

Cali Yare ayaa sanadihii lasoo dhaafay waqti iyo kharash badan geliyey sidii uu u heli lahaa kursigaan, Qoor Qoor ayaana ugu dambeyntii go’aan ku gaaray inuu kursigaan kusoo baxo Mahad Salaad.

Cali Yare oo dhawaan loo diiday inuu u safro Guriceel ayaa madaxweynaha Galmudug ku eedeeyey inuu isaga ka dambeeyey arrintaan.

Cali Yare oo la kulmay madaxweyne Farmaajo si uu kursigaan u helo ayaa loo soo deeriyey, wuxuuna Farmaajo kursiga Cali Yare dhaafsaday Kuraas kale oo ka taalay Galmudug oo uu u fudeeyey madaxweyne Qoor Qoor.

274151050_491456292351359_11079136652669 274144214_491456309018024_29286480015611 Mahad-Salaad.jpeg?resize=696%2C489&ssl=1 274011837_329917595731443_69028769204439 273999399_329917625731440_52276589417276 274014865_329917659064770_87819350883076

The post Mahad Salaad oo qaatay shahaadada musharaxnimo iyo rajadii Cali Yare oo dhimatay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this