Deeq A. Posted February 16, 2022 Waxaa maanta oo Arbaca magaalada Baraawe ee xarunta maamulka Koonfur galbeed lagu soo gabagabeynaya doorashada deegaan doorashada labaad ee golaha shacabka. 13-kursi oo kamid ah kuraasta deegaan doorashadoodu ay tahay Koonfur galbeed ayaa saaka lagu dooranaya magaalada, xilli ay tan iyo xalay ay socdeen diyaar garoowgoodii ugu dambeeyay. Kuraasta maanta la dooranayo ayaa kala ah kuraasta tirsigoodu yahay HOP#187, HOP#195, HOP#194, HOP#145, HOP#256, HOP#045, HOP#251, HOP#143, HOP#163, HOP#057, HOP#162, HOP#062 iyo HOP#148. Waxaa baarlamaankii 10-aad ku matalayay kuraastaan dadka degana Koonfur galbeed xildhibaanada kala ah :- HOP#143: Waxaa kursigaan ku fadhiyay xildhibaan Cali Sheekh Maxamed Nuur HOP#062: Waxaa kursigaan ku fadhiyay xildhibaan Cali Yuusuf Cismaan. HOP163: Waxaa kursigaan ku fadhiyay xildhibaan Isaaq Maxamed Maxamuud Aboow HOP#045: Waxaa kursigaan ku fadhiyay xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Axmed. HOP#195: Waxaa kursigaan ku fadhiyay xildhibaan Maxamed Nuuraani Bakar. HOP#162: Waxaa kursigaan ku fadhiyay xildhibaan Cali Sheekh Cabdullaahi. HOP#148: Waxaa kursigaan ku fadhiyay xildhibaan Aamina Xasan Cali. HOP#251: Waxaa kursigaan ku fadhiyay xildhibaan Nuura Cayni Khaliif Sheekh Abuu. HOP#187: Waxaa kursigaan ku fadhiyay xildhibaan Shariif Sheekhuna Maye. HOP#145: Waxaa kursigaan ku fadhiyay xildhibaan Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey HOP#194: Waxaa kursigaan ku fadhiyay xildhibaan Xamsa Saciid Xamsa HOP#256: Waxaa kursigaan ku fadhiyay xildhibaan Nadiifa Aadan Isaaq. HOP#057: Waxaa kursigaan ku fadhiyay xildhibaan Axmed Cumar Islaw. Waxaa hadda u tartamaya mushariixiin gaareysa 26 musharax oo kala ah sida ay shaaciyeen guddiga doorashooyinka SEIT ee Koonfur galbeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites