Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug: Kursi Ka Tirsan Aqalka Sare Oo Maanta La Dooranayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa maanta oo Arbaca magaalada Dhuusamareeb lagu dooranayaa hal kursi oo kamid ah kuraasta aqalka sare ee baarlamaanka dalka.

Kursigaan ayaa waxaa uu yahay kursiga keliya ee ka harsan kuraasta Aqalka sare, kadib markii uu iska casilay Xildhibaan Dhageey oo hadda kamid noqday xildhibaanada golaha shacabka.

Waxaa kursigaan ku tartamaya musharixiinta  Farxaan Cali Maxamuud iyo  Naciimo Yuusuf Shiiq Maxamed, waxaana maanta lagu dooranaya magaalada Dhuusamareeb.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this