Sign in to follow this  
Deeq A.

Farxaan Cali Oo Loo Doortay Senator Ka Tirsan Aqalka Sare

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa maanta oo arbaca ah magaalada Dhuusamareeb lagu qabtay doorashada hal kursi oo kamid ah kuraasta baaralamaanka aqalka sare.

Kursigaan oo noqonaya midkii ugu dambeyay ee kuraasta aqalka sare ayaa waxaa u tartamay musharixiinta kala ah  Farxaan Cali Maxamuud iyo  Naciimo Yuusuf Shiiq Maxamed.

Doorashada oo ka dhacday hoolka weyn ee baarlamaanka dowlad gobaleedka Galmudug ayaa waxaa goobjoog ahaa 80 mudane oo ka tirsan xildhibaanada baarlamaanka Galmudug.

Naciimo Yuusuf Shiiq Maxamed ayaa markii tartanka uu bilaabmay ka tanaasushay musharaxnimadeeda waxaana sidaas cod gacan taag ah loogu doortay Senator Farxaan Cali Maxamuud.

Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad gobaleedka Galmudug ayaa shaaciyay natiijada kursigii ugu dambeyay ee aqalka sare oo uu ku guuleeystay Senator Farxaan Cali Maxamuud.

Goobjoog News 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this