Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo shaacisay Kuraasta Degaan doorashada labaad ee Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga Hirgelinta Doorashada heer Puntland ayaa Saaka shaaciyay dhammaan 16-ka kursi ee Golaha Shacabka oo lagu qabanayo magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Guddiga ayaa sheegay in dib ay ka sheegi doonaan Jadwalka kala horraynta  Doorashada Kuraasta la shaaciyay sida ay ku cad warqad ay soo saareen.

Doorashadaas ayaa sida wararku sheegayaan lagu qaban doonaa gudaha Garoonka Diyaaradaha magaalada Boosaaso gaar ahaanna dhisme ku dhow Xarunta Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland ee PISA.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maalmaha soo socda ku wajahan magaalada Boosaaso halkaas oo uu kula kulmayo qaar kamid ah Isimada Gobolka Bari oo uu hoggaaminayo Boqor Burhaan Boqor Muuse.

FB_IMG_16449995947493379.jpg?resize=704%

PUNTLAND POST

The post Puntland oo shaacisay Kuraasta Degaan doorashada labaad ee Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this