Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyay weeraro xalay ka dhacay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa faahfaahin ka bixiyay Weeraro ku bilowday Qaraxyo Is-miidaamin ah, oo loo adeegsaday gaadiid laga buuxiyey walxo qarxa, oo saqdii dhexe ee xalay ka dhacay Saldhiga degmada Kaxda iyo degaanka Daaru-salaan.

Afhayeenka Booliska, Cabdifitaax Aadan Xasan oo warbaahinta la hadlay, ayaa u sheegay in weeraro qaraxyo ku bilowday lagu qaaday Saldhigyada Booliska Kaxda iyo degaanka Daaru-salaan ee Gobolka Banaadir , isla markaana Ciidanka Booliska ay iska difaaceen weeraradii lagu soo qaaday labada Saldhig.

Wuxuu sheegay Afhayeen Cabdifitaax Aadan in weerarada ay ka dhasheen khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, ayna wadaan tirada koob ku aadan khasaaraha ka dhashay weerarka, oo jugtooda siweyn looga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka.

Afhayeenka Booliska ayaa waxaa uu tilmaamay in gaadiid haleysan oo yaallay gudaha Saldhiga degmada Kaxda ay qaateen raggii hubeysnaa ee weerarka soo qaaday, isagoona Carabka ku dhuftay inay faah faahino dheeraad ah ka bixin doonaan wixii xalay dhacay.

Sidoo kale, Afhayeen Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa intaas kusii daray in laamaha amniga ay ka hortageen weerar kale uu ku tilmaamay fowdo oo ka dhici lahaa degaanka Ceelaha Biyaha ee duleedka Muqdisho, ayna dadkii ka dambeeyay falkaas ku daba jiraan.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weeraradaaas ka dhacay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir.

PUNTLAND POST

The post Booliiska Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyay weeraro xalay ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this