Sign in to follow this  
Deeq A.

Ma Isku Day Afgambi Ayaa Ka Dhacay Dalka Jabuuti?

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Jabuuti)-Wararka aan ka helayno dalka Jabuuti ayaa sheegaya in xukuumadda Ismaaciil Cumar Geelle ay shalay xabsi guri ka dhigtay Taliyayaasha ciidamada booliska iyo Millateriga dalkaas.

Taliyayaashan ayaa waxaa looga shakiyay qorshe ka dhan ah madaxweyne Geelle, islamarkaana ay doonayaan in awood ciidan xukunka kaga wareejiyaan madaxweynaha muddo dheer ee dalkaas.

Jeneraal Zakariye Sheekh Ibraahim oo ah Taliyaha Ciidamada Millateriga Jabuuti iyo Korneyl Cabdilaahi Faarax oo ah Taliyaha Booliska dalkaas ayaa la dul dhigay ciidamada Nabadsugida iyo Ilaalada Madaxtooyada, kuwaas oo ka bixi karin gurigooda, sida ay sheegayaan warar madax banaan oo la helayo

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo lagu eedeyo in uu yahay kali-talis ayaa ka wal-warwarsan in awood ciidan lagu dhaafiyo xukunka Jabuuti, oo uu maamulayay in ka badan 22 sano.

Waxa uu inta badan qabtaa doorashooyin uu iskaga jeedinayo indhaha caalamka, ayada oo dalkaasna aanu ka jirin mucaarid xooggan oo ka hor imaan kara, waxaana la rumeysan yahay in afgambiga la sheegayo uu taageero badan heli lahaa, maadama uu dalkaas nin kali ah ka talinayay sannado badan.

Wixii warar iyo xoggo kale ka soo kordha kala socda Somalilandtoday.com

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this