Sign in to follow this  
Deeq A.

Weeraro ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Weerar qarax ku bilowday ayaa caawa abaaro 1-dii habeenimo lagu qaaday saldhiga Booliska degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Kooxda weerarka soo qaaday oo la aaminsan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab ayay u suurtagashay in ay muddo kooban gacanta ku hayaan saldhiga Kaxda, waxaana sida la xaqiijiyay ay kala baxeen hub iyo gaadiid ciidan.

Weli lama xaqiijin karo inta uu le’eg yahay khasaaraha ka dhashay weerarkaas oo aad looga maqlay magaalada Muqdisho.

Dhanka kale waxaa rasaas laga maqlay deegaanka Daarusalaam ee bariga Muqdisho, halkaas wararku sheegayaan in guri lagu weeraray mas’uul ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.

PUNTLAND POST

The post Weeraro ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this