Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah-faahino ku saabsan qaraxyo iyo weeraro caawa ka socda Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraxyo xooggan oo dhowr ah ayaa goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana xigay weerar xooggan ayada oo la maqlayo dhawaqa rasaas culus oo dhaceysa.

Qaraxyada ayaa ka dhacay dhanka degmada Kaxda iyo sidoo kale xaafadda Daaru-Salaam. Waxaa markii hore dhacay qaraxa Kaxda, kadibna waxaa xigay rasaas iyo weerar culus, ayada oo dhowr daqiiqo kadibna uu dhacay qarax labaad oo culus oo ka dhacay xaafadda Daaru-Salaam.

Wararka nasoo gaaraya ayaa sheegaya in qaraxa iyo weerarka koowaad lagu qaaday xarunta degamda Kaxda, balse weli ma jiraan faah-faahino intaas dheer. 

Sidoo kale, xogta aan helnay dhanka Daaru-Salaam lala beegsaday guddoomiyaha degmada Heliwaa, ayada oo uu hadda socdo dagaal u dhaxeeya ciidankiisa iyo kooxda Al-Shabaab.

Weerarka iyo qaraxyada ayaa waxaa xigay qaraxyo dhowr ah oo kooban, waxaana aad u qasan xaaladda, ayada oo ay adag tahay in xog buuxda laga helo.

Iska hor-imaadka ayaa weli socda, waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan inuu socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kooxda weerarka soo qaaday.

Wixii kusoo kordha kala socda Caasimada Online, Inshaa’Allah.

The post Faah-faahino ku saabsan qaraxyo iyo weeraro caawa ka socda Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this