Deeq A. Posted February 15, 2022 “Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele waligay lamaan kulmin xumaan iyo samaan midna nama dhexmarin haddanna wax muraad ahi igagama xidhna. Laakiin saaka waxaan baraha bulshada ku arkayey buuq siyaasadeed oo laga soo sheegayo dalka jabuuti qof wax garad ahi ku farximaayo in xasaradi ka dhalato jabuuti. Madaexwayne si jujuub ah lagu rido waxaa tusaale inoogu filan Liibiya iyo Soomaaliya taa ugama jeedo in aan taageero u muujiyo madaxdaa hore ama Geele laftiisa balse waxaan la hadlayaa dadka caadiifadaysan ee leh ha ina dhaafo. Waxaan leeyay si nabdoon ha loo badalo isaga iyo xukuumaddiisuna ha diyaariyeen qaabkii is badel ku iman lahaa iyadoo la eegaayo daganaansha dalka iyo waaya aragnimada laga dhaxlay xukun maroorsiga aan qaarkood soo sheegay” W/Q Abwaan Yuusuf Shaacir Source Share this post Link to post Share on other sites