Sign in to follow this  
Deeq A.

Cali Yare Cali ma Farmaajo ayaa dhabarka xijiyay mise Qoor Qoor ayaa u bareeray?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka dhanka Amniga ee Maamulka Gobolka Banaadir Cali Yare Cali ayaa Shalay laga hor istaagay inuu u safro Magaalada Guriceel si uu kadib usii beegsado Magaalada Dhuusamareeb oo lagu qabanayo doorashada Kursiga HOPP#147 oo uu Cali kamid yahay Dadka u sharaxan.

Sidaa warbixinadeenii hore idinkugu sheegnay Qoor Qoor wuxuu rabaa inuu kursigaas kusoo baxo Mahad Salaad oo isaga ku fadhiyey sanadihii lasoo dhaafay.

Cali Yare iyo ciidan la socday ayaa loo diiday inay ka dhoofaan Garoonka Aadan Cadde, waa 24 Saac kadib markii ay dharbaaxadaan oo kale ku dhacday guddoomiye ku xigeenkii hore ee Golaha Shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudey.

Sida ugu fudud ee hadda la isku joojiyo waxay noqotay in diyaaradda loo sheego in la duqeyn doono haddii ay isku daydo inay timado maamul Goboleed aan raali ka aheyn.

Sidoo kale digniin ganacsi ayaa ku filan Diyaaradaha oo ah inaysan mar kale usoo safri doonin deegaankaas, waa adag tahay in la helo diyaarad Hal Maalin u burburineysa Ganacsigeeda ama duuliye diyaar u ah inuu ka dago Garoon aysan maamulkiisa ogoleyn.

Si walbaba Cali waa loo diiday inuu u safro Galmudug. Qoraal uu boggiisa ku faafiyey wuxuu Cali Yare ku sheegay inuu arrintaan ka dambeeyo hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, isagoo sheegay inuu la hadlay saraakiisha NISA.

Haddaba Cali yare oo hadda u muuqda inuu weynayo kursigii uu mudada naawilayey ayaa waxaa soo baxayo inuusan garab sax ah ka heysan Farmaajo marka ay timaado kiiska xildhibaanimada.

Illo muhiim ah waxay inoo xaqiijiyeen inuu Xalay u tagay Farmaajo si uu Qoor Qoor ula hadlo, markii ay Seddexda Nin wada hadleyna wuxuu Qoor Qoor ku adkeystay inuusan Cali Yare waxba u heyn, waxaana lagu kala tagay si aan fiicneyn, Calina wuxuu ku adkeystay inuu u safro Galmudug.

Illaha aan la hadalnay waxay xaqiijiyeen in maamulka Galmudug  uu go’aan buuran ku lahaa in safarka Cali la joojiyo.

Haddaba Qoor Qoor miyaa isaga bareeray Cali Yare mise dhanka Farmaajo ayaa isbadal ka jiraa?

Dadka sida dhow ula socdo howsha Kursigaan waxay leeyihiin Farmaajo maadaama uu Qoor Qoor uu Kuraas badan usoo saaray oo xubno badan oo NISA ah uu Kuraas soo siiyey waxaa lagu tixgeliyey aragtidiisa Kursigaan, wuxuuna Farmaajo ku badashay kiiska Kursigaan Kuraas badan oo deegaanka ka taalay.

Mid kale oo dadka qaarkiis isla dhex marayaan ayaa jirta taas oo ah in Farmaajo lagu qanciyey xilli hore inuu badalo musharixiisa Kursiga HOPP#147 iyadoo lagu qanciyey inay adag tahay in Cali Yare uu kursiga kasoo dhex qaato qabiilkiisa, markaas kadibna waxaa la sheegay in liiska kooxda Farmaajo ee Galmudug inuu ku xooganaa Ninka la yiraahdo Cabdicasiis Ashakir oo kamid ah la taliyaasha Farmaajo.

Dad aad xog-ogaal ugu ah arrintaan waxay ku warameyn in kulankii ugu dambeeyey ee Farmaajo iyo Qoor Qoor ee Kuraasta Galmudug ku saabsanaa inuu Farmaajo miiska soo saaray Cabdicasiis Ashkir kadibna uu Qoor Qoor diiday.

Ashkir hadda wuxuu joogaa Dhuusamareeb, wuxuu olole xooggan ugu jiraa Kursiga HOPP#147, waana Ninka Labaad ee ugu cadcad kursigaan marka laga tago Mahad Salaad.

Sida muuqata madaxweyne Farmaajo aad daacad ugama ahan inuu arko Cali Yare Cali oo xildhibaan ah, haddana ma rabo inuu isaga qaato eedda uu Cali Yare ku weynayo Kursiga, wuxuuna rabaa ayaa la leeyahay inuu Cali ku baxo Gacanta Qoor Qoor.

Wixii ka dambeeyey dagaalkii Guriceel ee Galmudug iyo Ahlu Sunna, Qoor Qoor wuxuu toos u go’aansaday inuu Kursigaan ku dhiso Mahad Salaad ayey leeyihiin xubnaha ku dhow dhow hoggaamiyaha Galmudug, Cali Yare waxaa xilligaas lagu eedeeyey inuu taageero buuxda siinayey kooxda Ahlu Sunna.

Marka lasoo hooriyo xaalka Kursigaan Qoor Qoor iyo Qabiilka waxay xoog badan gelinayaan Mahad Salaad, Farmaajana ma rabo inay Cali Yare kala dhintaan haddana ma rabo inuu si daacad ah ugu cadaadiyo Qoor Qoor inuu Cali Yare Kursi siiyo.

Nabad iyo Nolol howshooda kale ee Galmudug sidii ay rabeen ayey ku socotaa, Kursigaan waxay tijaabinayaan haddii uu qaadan karo Cabdicasiis Ashkir, laakiin ma rabaan inay ku dhiig baxaan oo ay waqti badan geliyaan.

Xaalka Cali Yare kama bilaaban Qoor Qoor kumana dhammaan ee  wax Nin saaxiibadii u jiifaan hurdo been ah ayey leeyihiin dadka inta badan xogta ka hayo Kursigaan.

The post Cali Yare Cali ma Farmaajo ayaa dhabarka xijiyay mise Qoor Qoor ayaa u bareeray? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this