Sign in to follow this  
Deeq A.

Isku-day Afgenbi Oo Ka Dhacay Dalka Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Jabuuti)-Taliyayaashii ciidammada Booliska iyo Millateriga Jabuuti ayaa xabsi guri laga dhigay, sida ay cadeynayaan warar madax banaan oo la helayo, iyadoo ay adag tahay in la helo macluumaad buuxa.

Taliyaha ciidammada Millateriga Jabuuti Jen, Zakariye Sheekh Ibraahim iyo Taliyaha Booliska Korneyl, Cabdilaahi C Faarax ayaa ciidamada Nabadsugida iyo Ilaalada Madaxtooyada la dul-dhigay.

Taliyaha Milateriga ayaa ciidankaas hogaaminayay ilaa markii xoriyada qaadatay Jabuuti, Geelle ayaa ka werwersan in xukunka Jabuuti ladhaafiyo.

Mid kamid ah Taliyayaashan ayaa dhawaan ka laabtay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, waxaana la rumeysan yahay in aanu la dhacsaneyn hoggaaminta madaxweyne Geelle.

22 sanno wax kabadan ayuu Ismaaciil Cumar Geelle hayaa hoggaanka dalka Jabuuti

Ja-1024x663.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this