Sign in to follow this  
Deeq A.

Ex. Madaxweyne Siilaanyo Oo Heshiisiyay Wasiir Maxamed Kaahin Iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne hore Axmed Siilaanyo oo ay kulan la yeeshay Wasiir Maxamed Kaahin iyo Wasiir Maxamuud Xaashi iyo xubnaha xukuumadda Iyo Xisbiga KULMIYE ee dedaalka ku bixiyay sidii loo dhammayn lahaa xurguftii iyo kala duwanaashiyihii damacooda siyaasadeed ee Wasiir Maxamed Kaahin iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi oo arrintaasi la dhammeeyay lana heshiisiyay.

Kulamada heshiisintooda iyo isku keenistooda ayay qayb wayn ka qaaten Wasiir Maxamed Xaaji Aadan, Gudoomiye Cabdikariin Xinif, Wasiir Hore Jaamac Maxamuud Cigaal iyo Amb. Baashe Cawil.

Wada hadalada ayaa ka qabsoomayay hoyga Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilanyo oo sawirantana ay ku wada jiraan Siyaasiyiinta qaarkood ka tirsana xukuumadiisii iyo Xisbiga KULMIYE ee uu aasasay.

Wada hadalada Maxamuud Xaashi iyo Xisbiga KULMIYE ayaa la sheegay inay marayaan meel wanaagsan iyagoo dedaalada ugu badan ay ku bixiyeen arrinkaas Madaxda xukuumada iyo Xisbiga KULMIYE ee sawiraantan ka muuqda.

273575899_3163180470674943_7651740278383 273982611_3163180777341579_8695704123658 273992814_3163180754008248_8132882999189

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this