Deeq A. Posted February 15, 2022 (SLT- Beledweyne)-Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa la sheegay inuu ku cadaadinayo guddiga hirgelinta doorashada ee heer Federaal inuu joojiyo qabashada doorashada kursiga HOP 86, kaas oo uu doonayo Fahad Yaasiin oo la-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya. Sida ay qortay BBC Somali xubno ka tirsan guddiga oo ka gaabsaday in magacyadooda la shaaciyo ayaa BBC Soomaali u sheegay in raysal wasaaraha aanu sheegin sababta uu u rabo in dib loo dhigo doorashada kursigaas oo uu hadda ku fadhiyo Faarax Sheekh Cabduqaadir oo hadda howlo caafimad dalka uga maqan. Hase yeeshee illaa iyo hadda lama oga in guddiga doorashada uu aqbalay codsiga Raysal Wasaare Rooble Kursiga HOP 86 ayaa waxa uu ka mid yahay 13 kursi oo dhawaan guddiga doorashada Hirshabelle ay shaaciyeen in doorashadooda dhawaan ay ka dhacayso magaalada Beledweyne. Fahad Yaasiin ayaan illaa iyo hadda shaacin inuu u tartamayo kursigan hase yeeshee waxaa sii kordhiyay tuhunka ah inuu doonayo kursigan kadib markii laba maalmood kahor laga celiyay garoonka diyaaradaha guddomiye ku xigeenka golaha shacabka Cabdiweli Muudey oo doonayay inuu u safro magaalada Baraawe si uu isugu sharaxo kursi yaalla magaalada Baraawe. Somalilandtoday/Muqdisho/Office Source Share this post Link to post Share on other sites