Sign in to follow this  
Deeq A.

Doorashadii Golaha Guurtida Somaliland Oo Ay Saddex Bilood Ka Hadheen Iyo Odayaasha Oo Isku Diyaarinaya Muddo Kordhinta Ay Doonnayeen

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Golaha guurtida Somaliland, oo ah golaha Baarlamaanka ama aqalka odoyaasha ayaa indhawaale qorshaynaya, muddo kordhin, taas oo ay food saaro ka dhiganayaan xeerkii laggu doorran lahaa oo aan diyaarsanay iyo murranka siyaasiga ah ee wakhti xaadirkan dalka ka taagan, kaas oo u dhexeeya xukuumadda iyo xisbiyadda mucaaradka Somaliland.

Inkastoo aannu jirin habayaraatee, xeer ama qoddob dastuuri ah oo sheegaya in ay Golaha Guurtida Somaliland samaysan karraan muddo kordhin, balse haddana haddii aanu diyaarsanayn xeerkii laggu doorran lahaa,isla markaana ay doorashadii Golaha guurtida ay saddex bilood oo kaliye ka hadheen,taas ayaa u saamaxaysa inay muddo kordhin ay helaan

Hase-yeeshee waxa dastuurka ku cad haddiiba ay xaalad siyaasadeed la soo daristo dalka somaliland, in ay iyagu ka gole ahaan u kordhin karraan xukuumadda muddo xilleedkeeda, taas oo ah sababta kaliya ee ay had iyo jeer dhinacooda u dhex raaciyaan muddo kordhin ay iyagguna ku kordhistaan wakhtigooda,waxaana xusid  muddan in labaatan iyo dheeraad sano ay sidan oo kale u raaciyeen muddo kordhintii ay u sameeyeen xukuumadihii kala dambeeyay iyo golihii hore ee wakiilada oo wakhti badan fadhiyay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this