Sign in to follow this  
Deeq A.

Laba Markab Oo Shidaal Siday Oo Lagga Celiyey Berbera Iyo Qiimaha Lagu Iibiyo Shidaalka Oo Cirka Isku Sii Shareeraya Iyo Shirkadda Trafigura Oo Farta Lagu Fiiqay.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Berbera)-Qiimaha shidaalka lagu iibiyo ayaa guud ahaanba suuqyadda Somaliland cirka isku sii shareeraya,kaas oo maalinba, maalinta ka dambaysa laga sii kordhinayo qiimihii uu ahaa awal hore ee lagu iibin jirey shidaalka.

Kaddib markii shacabku ay si weyn u dareemeen maal-mihii ugu dambeeyey kor ukaca iibka shidaalka iyo sida uu dalka u yaalo oo aanney jirin shidaal la’aan sabab u noqota qiimaha lagu sii kordhinayo shidaalka oo markii hore litirka, petrolka ahi ahaa 6500 ayaa hada gaadhay 8500 oo shilin iyo qadaadiic, iyadoo markii u horeysay ay cabasho weyn ka muujiyeen, gaadiidka kale duwan ee dadweynaha sida basaska iyo gaadiidka  xilligan adag ee jiilaalka iyo biyo la’aantu jirto u dhaamiya dadweynaha khusuusan booyadaha oo sheegay in aanay awoodi karrayn biyo ay gaadhsiiyaan dadka abaartu hayso, maadaama qiimihii shidaalku xiligan dhiigbax yahay “Itoobiyadda inala jaarka ah ayaa innaga shidaal jaban Bad ma leh oo Haamo ma leh ,haddana wey inagga shidaal jaban tahay,innaga wax jira iyo wax jooga garan mayno,Dawladdu arrintaas hoos ha u eegto..”ayey yidhaah-deen qaar kamid ah shacabka

Xildhibaan Maxamed Abiib oo katirsan mudanayaasha golaha wakiilada oo ka hadlay, ayaa xusay in toddobaadkii u dambeeyay ay dalka somaliland soo gaadheen sadex markab oo ah kuwa shidaalka keena, waxaanu xildhibaanku xusey, in shirkadda tarafigura ay sabab u tahey in qiimaha shidaalka la qaali gareeyo, kaas oo wakhtigan isku taagey, in litirka petrolka ahi gaadho 1$ dollar oo lacagta mareykanka ah, waxaanu hoosta ka xariiqey in talaabadani tahay macaash doon,waxaanu ku baaqay in hoos loo eeggo dhibaatada qiime korodhka shidaalku ku hayo shacabka masaakiinta ah ee reer somaliland”waxa aan soo jeedinayaa in xeerka shirkada tarafigura la horkeeno golaha wakiillada,waxaan u soo jeedinayaan shir guddoonka in la dalbo heshiiskaa shirkadda tarafigura si uu golahani ummadda uga hor-qaado caqabadaa weyn,waxaan war ku haynaa in shirkadda tarafigura shidaalkii uu ku jira haamaha ay iibin weyday,iyadoo rabta inay yam xeeriso oo maalinba inta qiimaha wanaagsan u taraysa ay shacabka ku baadhato,wax la qaadan karro maaha shidaalkii oo Berbera buuxa ayaa haddana la iibin la’yahay “ayuu Xildhibaan Abiib

Dhanka kalene xoggo uu wargeyska Waaberi ka helayo Magaalada Berbera ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland ay dhawaan halkaas ka celisay laba markab oo siday shidaal,kuwaas oo u rar-naa Ganacsatada shidaalka keenta ee reer Somaliland,isla markaana aan si dhab ah loo oggeyn sababta loo celiyey,hase-yeeshee  ay xoggu sheegeen in qolada shaybaadhka shidaalka Berbera inay iyagu celiyeen,waxaase xusid muddan in sannadkii hore ee 2021-kii in sidan oo kale loogga celiyey Dekadda Berbera markab shidaal siday oo u rarnaa Ganacsatadda reer Somaliland,kuwaas oo markii dambe shidaalkii u iib geeyey dalka Somaaliya.

Geesta kalena waxa tan iyo markii shirkadda macaash doonka ah ee trafigura looggu xidhay kootada isticmaalka haamaha shidaalka Berbera marba marka ka dambaysa kor u sii kacaya qiimaha shidaalka laggu iibiyo guud ahaan-ba suuqyadda Somaliland,kaas oo si weyn loogga darreemayo dalka,balse Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa cabashada ka soo yeedhaysa qaybaha kale duwan ee bulshada ee la xidhiidha arrintan iyaggu afka ka xidhay ilaa hadda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this