Sign in to follow this  
Deeq A.

Imaaraadka Oo Gargaarkii Saddexaad Keenay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Imaaraad Carabta ayaa maanta markale waxaa ay garonka Aadan Cadde kasoo dejisay gargaar Banii,adamnimo, waxaana garoonka diyaaradaha kula wareegtay wasiirka gargaar iyo maareynta musiibooyinka Khadiijo Maxamed Diiriye.

Garkaarkaan ayaa waxaa dowladda Imaaraadku ugu talogashay dadka ay abaartu ku saamaysay gudaha dalka,waxaana ku deeqay gargaarkaan Dhaxalsuga Imaaradka Maxamed Binu Sayid, kadib kulankii Dubai ee isaga iyo Ra’iisalwasaare Rooble.

“Waxaa Garoonka Aadan Cadde kula wareegnay Sahaydii Gargaar ee seddexaad oo nooga timid Dowladda Imaraatka Carabta taas oo loogu talagalay dadka ay saameysay Abaarta”ayey wasiir khadiija ku tiri qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebooka.
Gargaarkaan dowladda Imaaraadka ka yimid maanta ayaa waxaa uu noqonayaa midkii sedexaad, iyadoo  noqotay dowladdii ugu horeysay ee kasoo jawaabtay baaqii Ra’iisalwasaare Rooble uu u diray hey’adaha gargaarka, xili dalka Abaari ka jirto .
273772586_493566818797147_7769541878876206464_n.jpg?_nc_cat=103&ccb=1-5&_nc_sid=8bfeb9&_nc_ohc=oD1EDWlRsnIAX_3YIDg&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&oh=00_AT-g2qVes5SawV00OgAzX-2ZsG3wnGIkEOIIikJELqfgRg&oe=620EC557
273576652_493566858797143_6293345398569838046_n.jpg?stp=dst-jpg_s600x600&_nc_cat=110&ccb=1-5&_nc_sid=8bfeb9&_nc_ohc=dq6nU7GXwnEAX8BOKQ1&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&oh=00_AT_cQKs18yV2ZJD0l-ub4IXYeGjWlt4PnyIzkai0F9RqNw&oe=621048F6
273703872_493566848797144_1563852738804878093_n.jpg?stp=dst-jpg_s600x600&_nc_cat=100&ccb=1-5&_nc_sid=8bfeb9&_nc_ohc=U61eYd6eU_QAX8gBD17&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&oh=00_AT-6Zd6mXIyVBvezSXkoARSPAEeec4PhXH0AYHKRtF9BqA&oe=620FEB71

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this